Dalka Itoobiya oo..
Waxaa soo baxay warar sheegaayo in dalka Itoobiya isku dayey inuu qariyo ineysan banaanka u soo bixin dhibaatadda haysata dadka itoobiyaanka ah ee ku xiran xabsiyadda lagu haayo dadka sharci darrada ku soo gala boqortooyadda sacuudiga,sababta Itoobiya ku qasabtay ineey ku dhaqaado arrintaan ah in wargayska Telegraph uu soo bandhigay cadaymo muujinaayo in xabsiga Hellish ee lagu haayo dadka sharci la’aanta ku yimid sacuudiga yahay meel eey aad u liidato caafimaadkiisa una qalmin in lagu haayo dad fara badan oo intooda badan ka yimid qaaradda afrika,dadkaan ayaa ka soo tahriibay wadamadda Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritereeya soona maray dalka Yaman oo eey ka jiraan dagaalo ba’an eeyna dhici karto intahriibayaasha qaarkood jidka ku sii dhintaan ka hor inta eeysan gaarin xuduudka u dhexeeyo Yaman iyo Sacuudiga. Xigasho wargayska Telegaraph.