MARAYKANKA OO MARKII SEDDEXAAD ISTICMAALAY VETO.

(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Talaada ah diiday isku daygii ugu dambeeyey ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe si loo dalbado xabad joojin bani’adanimo oo deg deg ah ee Marinka Gaza ee uu go’doomiyey dagaalka socdo bilaha una dhexeeyo Xamaas iyo ciidamada difaaca dalka Isra’iil, tirada guud ee ilaa hadda ku geeriyootay dagaalka Marinka Gaza ee soo bilawday 7/10/23-kii ayaa dhan 30-kun qofood ku dhawaad una badan Caruur iyo Dumar. Qaraarka qabyada ah ey soo bandhigtay Aljeeriya ayaa taageero balaaran ka helay Golaha Amaanka Qaramada Midoobe iyadoo ey taageereen una codeeyeen 13-dal oo ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe,Maraykanka waxa uu ahaay dawaladda kaliyah ee u codeysay iney ka soo horjeedo,xubnaha Golaha Joogtada ah waxa dileen qaraarka ey soo bandhigtay Aljeeriya,halka dalka Ingiriiska oo ah xubin joogta ah uu isaga aamusay qaraarka. Maraykanka ayaa Isniintii shalay ahayd waxa uu muujiyey sida uu u mucaaradsan yahay qaraarka ey wado Aljeeriya waxa uuna soo saaray qaraar kale lana tartamaayo kan ey soo saartay Aljeeriya,waxa uuna Maraykanka soo saaray qaraar ku baaqaayo xabad joojin ku meel gaar ah taasne kuma uusan guulaysan dalka Maraykanka. Maanta oo Talaada ah ayuu Maraykanka waxa uu diidmada Qeyax VETO isku hortaagay qaraar ku baaqaayey xabada joojin in laga sameeyo Marinka Gaza,waane markii seddexaad uu dalka Maraykanka is hortaago xabad joojinta Marinka aza.

ISHA/AA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

BJFS OO SI AQLABIYAD LEH KU ANSIXIYEY HESHIISKII…

Next
Next

MW-XASAN OO BERRI LA KULMI DOONO LABADA AQAL.