BJFS OO SI AQLABIYAD LEH KU ANSIXIYEY HESHIISKII…

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA DFS.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta BJF ka hor sheegay Heshiiska dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan difaaca Badda iyo dhulka Soomaaliyeed,heshiiskaan ayaa waxa horay u kala sxiixday Wasiiradda Gaashaandhiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga horaantii bishaan Feberaayo-2024-ka. Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo kulansanaay maanta oo Arbaca ah ayaa waxaa joogay kana soo qeybgalay fadhigii maanta 216-Xildhibaan,waxaane ogolaaday Heshiiskaan 213-Xildhibaan waxaane diiday seddex Xildhibaan oo aan laba ka mid ah aan soo helnay magacyadooda kuwaaso kala ah Xildhibaan Maxamed Ibrahim Macalimu iyo Xildhibaan Kulane Jiis. Dhinaca kale,Golaha Wasiiradda ee DFS ayaa iyagana shir deg deg ah ka yeeshay Heshiiskaan dhexmaray labada dal Soomaaliya iyo Turkiga,RW-Xamsa Cabdi Barre oo maalmahaan fasax ku maqnaay ayaa shir gudoomiyey shirkii maanta ee Golaha Wasiiradda ee XFS,RW-Xamsa ayaa sheegay in heshiisku yahay mid Masiiri ah waxtarna u leh dalka Soomaaliya gaar ahaan dhianca badda waayoo ayuu yiri RW-Xamsa waxaa tababar fiican iyo qalab casri ah helaayo ciidamadda badda Soomaaliyeed ey muddo hore ugu dambeysay qalabeyn casri ah. RW-Xamsa ayaa yiri”Heshiiskani waa mid Masiiri ah oo dhaxalgal ah,waa go’aan Soomaaliya u jeexaayo wado cusub oo aan horay u suurtoobin,waa go’aan Soomaaliya ka saaraayo Madinimada iyo walaal la’aanta,waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaaxiib dhab ah oo ey caalamka ku yeelato”.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

WAA MAXAY FAA’IIDOOYINKA HESHIISKA SOOMAALIYA IYO TURKIGA?

Next
Next

MARAYKANKA OO MARKII SEDDEXAAD ISTICMAALAY VETO.