MARAYKANKA OO ISKA DIIDAY INUU KA QEYB QAABTO WEERAR LAGU QAADO IRAAN.

(SAWIRKA)-MW-BIDEN.

(WASHINGTON)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa shalay oo Sabti ahayd khadka Telefoonka kula hadlay Reysal Wasaaraha dalka Isra’iil Benjamin Netanyahu waxa uuna u sheegay Netanyahu in dalka Maraykanka uusan taageri doonin weerar kasta oo Isra’iil ku qaado dalka Iraan,sidaas waxaa Wargayska Maraykanka ee Axios u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka Biden iyo la taliyeyaashiisa sare ayaa aad uga walaacsan jawaabta Isra’iil ka bixineyso weerarka Iraan ku soo qaaday,waxa uuna Maraykanka si aad ah uga walaacsan yahay in dagaalka Isra’iil iyo Iraan noqdo mid saameyn xoogan ku yeehso Gobolka Bariga dhexe. Dalka Iraan ayaa weerar xoogan eyna u adeegsatay diyaaradaha Drones-ka iyo Gentaalo Balastik ku qaaday Isra’iil shalay oo Sabti ahayd,Iraan ayaa weerarkeeda ku sheegtay inuu yahay mid aargoosi ah ka dib markii diyaaradaha dagaalka Isr’iil ey duqeyeen Qunsuliyadda Iraan ee ku taalo caasimadda Suriya ee Dimishiq horaantii bishaan Abriil,weerarka Isra’iil ayaa waxaa ku dhintay saraakiil sar sare oo reer Iraan ah. Dalka Iraan ayaa waxa uu taageraa xoogag ka dagaalamo Lubnaan,Suriya iyo Yeman kuwaaso dhaammaantood weerar ku ah Isra’iil kuna tilmaamo iney tahay Gumayste.

ISHA/AXIOS.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

XAASKA MACRON MA NIN AYEY AHAY-1980-KII?

Next
Next

MW-XASAN OO MAANTA LA CIIDAY AGOONTA CXDS.