MAGAALADDA HAGUE GURI KU YAALA OO…
(SAWIRKA)-DHISMAHA QARAXA KA DHACAY.
(HAGUE)-Guri ka kooban ilaa seddex dabaq oo ku yaalo magaaladda The Hague ee dalka Netherland ayaa qeyb ka mid ah ey duntay Sabtida maanta ah ka dib markii uu gudaha Guriga uu ka dhacay Qarax dabna uu ka kacay,sida ey sheegeen hayadaha deb demiska,iyadoo dadkii ugu horeeyey ee la baadi goobayey laga soo helay burburka dhismaha. Afar qof ayaa durba laga soo saaray burburka waxaane loo qaaday Isbitaalka iyadoo kooxaha caanka ah eey ah Eeyaha wax Uriya la geeyey goobta wax ka dheceen si ey u soo badbaadiyaan dad kale oo ku hoos jira burburka dhismaha. Lama oga ilaa hadda inta qof ee la la’ayahay iyo waxa sababay Qarax ka dhacay Dabaqa aan ka fogeyn bartamaha magaalada Hague. “Weli ma garaneyno inta qof ee ku hoos jirta burburka”sidaas waxaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay Sarkaal boolis ah oo goobta ku sugnaay.
ISHA-FRANCE 24.