47-DHALLINYARO SOOMAALIYEED AH OO DIB LOOGU…
(SAWIRKA)-DHALLINYARADII SOOMAALIYEED EE LAGA KEENAY MADAGASKAR.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in dhallinyaro ka soo badbaaday laba doon oo siday dad Tahriibayaal ah oo ku degay meel u dhaw Xeebaha dalka Madagaskar,sida la sheegay inagane aan horay baahinay dadka saarnaay Doomaha degay ayaa tiro ahaan gaarayey ilaa 75-qofood oo wada dhallinyara ah isuguna jira gabdho iyo wiilal. Dhallinyardaan Tahriibka ahayd ayaa u dhashay dalka Soomaaliya waxaan markii ugu horeeysay arrintooda Warbaahinta Qaranka Soomaaliya la wadaagay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ururka Midawga Afrika Danjire Warfa,ka dibne waxaa si is daba joog ah uga kala hadlay Wasiiradda Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda ee XFS Da’ud Aweys iyo Axmed Macallin Fiqi. Wasiisru Dawlaha Arrimaha Dibadda XFS Md.Cali Balcad ayaa isagana ka hadlay arrinta dhallinayaradaan Tahriibtay waxa uuna sheegay in dhallinyarada dib loogu soo celin doono dalka waqti dhaw,waxaane maanta oo sabti ah dalka dib loogu soo celiyey 47-qof oo ka mid ah dhallinyaradii ka soo badbaaday doomihii degay dhammaadkii bishii hore ee Noofembar-2024-ka. 47-Qofood ee dhallinyarada ah ayaa waxaa dalka Madagaskar ka soo qaaday diyaaradda Premier Airlines taaso soo gaarsiisay Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho,waxaane halkaasi ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan XFS.
ISHA-SB-MEDIA.