MADAXWEYNIHII UGU XUKUN DHEERAA…

MADAXWEYNE TEODORO.

(DOUALA)-Marka laga hadlaayo hogaamiyeyaasha Qaaradda Afrika kuwooda ugu waqti dheer waxaa Soomaalida ey soo xusuusaneysa Siyaad Barre,laakinse waxaa jira dalal kale oo ka tirsan Qaaradda Afrika ey weli xukumaan Madaxweynayaal uu xukunkoodu kor u dhaafay ilaa 40-sano. Madaxweynaha dalka Equatoriyaal Gini Teodoro Obiang ayaa noqday Madaxeynaha ugu waqti dheer ee dal xukuma Qaaradda Afrika,Madaxweyne Teodoro ayaa maalintii Khamiista ee ina soo dhaaftay waxaa loo dhaariyey markii lixaad inuu sii xukumo dalka Equatoriyaal Gini,Madaxweyne Teodoro ayaa dalka Equatoriyaal Gini waxa uu soo xukumaayey 43-sano ee la soo dhaafay waxaane hadda loogu dhaariyey todobo sano oo hor leh sidaas darteed waxa uu Madaxweyne Teodoro dalka Equatoriyaal Gini xukumi doonaa 50-sano waa haddii uu dhammaysto todobada sano ee hadda loo doortay.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SIRDOONKA ISRAEL “MOSSAD” OO SOO BANDHIGAY…

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SOO GAARAY…