MADAXWEYNEYASHA XASAN IYO SHEEKH SHARIIF OO KULMAY.

(SAWIRKA)-MADAXWEYNEYAASHA XASAN SHEEKH IYO SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED.

(SOMALIA)-Tan iyo markii uu soo dhammaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka 27/5/23-ka go’aamadii ka soo baxay ayaa waxaa ka biyo diidsanaay Xisbiyo fara badan oo dalka ka jira iyo siyaasiyiin miisaan ku leh siyaasada Soomaaliya,qodobka ugu adag ey diidanaayeen Xisbiyada dalka iyo Siyaasiyiinta ayaa ah kan khuseeyo wax ka bedelka muddo xileedka hayadaha DFS sida Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo in meesha laga saaro xilka Reysal Wasaaraha. Ex.MW-Sheekh Shariif Sheekh ahne Gudoomiyaha Xisbiga HIMILO ayaa maanta oo Talaada ah(4/7/23)-ka waxa uu kulan mira dhal ah Madaxtooyada JFS kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray masiirka mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo xaaladda hadda taagan ee ah la dagaalanka kooxda Alshabaab iyo xiisadda ka soo cusboonaatay Hirshabeele.

ISHA/VOA-SOMALI.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

SIRDOONKA TURKIGA OO QABTAY…

Next
Next

41% ALSHABAAB WAXAY DISHAA SHACABKA.