MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WASHINGTON…
(SAWIRKA)-MW-XASAN DAJIRE ANDREW IYO LINDA GREEN-FIELD.
(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka waxaa ku sugan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo,wafdigaan ayaa bilaabay inuu kulano gooni gooni ah la yeesho qaar ka mida masuuliyiinta dalka Maraykanka. Safiiradda Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobe Linda Thomas-Greenfield ayaa magaaladda Washington DC waxa ey kula kulantay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud,Danjire Linda Thomas-Greebfield ayaa ku bogaadisay sida ey uga go’an tahay Madaxweyne Xasan Sheekh dib u heshiisan qaranka iyo horumarada laga sameeyey hawlgalada ka dhanka ah kooxda argagixisada Alshabaab. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska danjire Linda Green-field ayaa lagu sheegay in Danjire Linda u cadeeysay Madaxweyne Xasan Sheekh in dalka Maraykanka ey ka go’an tahay inuu garab istaago yoolasha xilliga kala guurka amniga ee dawladda Federaalka Soomaaliya marka la gaaro dabayaqada bisha Disembar-2024-ka. Danjire Linda Green-field ayaa sidoo kale waxa ey hoosta ka xariiqday sida ey uga go’an tahay dalka Maraykanka inuu wax ka qabto cunto yarida ka jirta Soomaaliya ayadoo dul istaagtay ballanqaadyadii Maraykanka horay u sameeyey ee dhammaa $524-milyan oo doolaar,lacagtaan ayaa ahayd mid lagu taageerayo bani’adanimada oo dheeraad ah,Maraykanka ayaa lacagtaan waxa uu ugu talagalay Gobolka Geeska Afrika si wax looga qabto dhibatooyinka soo noqnoqday ee abaaraha.
ISHA WARKA SB-MEDIA.