MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA …
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.
(WASHUNGTON)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habenkii xalay waxa uu soo gaaray dalka Maraykanka,MW-Xasan ayaa dalka Maraykanka u yimid inuu ka bilaabo olole uu ku doonaayo in dalka Soomaaliya laga qaado Cunaqabateynta Hubka ey saartay Qaramada Midoobe,Madaxweynaha ayaa Washington kulamo kula qaatay masuuliyiin Maraykan ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filaa inuu ka qeybgalo fadhiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe inta uu ku sugan yahay Maraykanka walaw ey jiraan warar kale oo sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tegi doono Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka halaaksne uu ku qaabili doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan,Madaxweynaha ayaa booqashadiisii tan ka horeysay ee uu ku yimid Maraykanka waxa uu magaaladda Washington kula kulmay Jaaliyadda Washington iyo Goboladda u dhaw. Madaxweyne Xasan ayaa khudbad waxa uu ka jeedin doonaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe isaga oo la wadaagayo wadamadda xubnaha ka ah xaaladda amni ee dalka Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda aragagixisada ee Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu xooga saari doono sidii dalka Soomaaliya looga qaadi lahaay cunaqabateynta hubka ee saaran isla markaasne uu taagero balaaran uga heli lahaay caalamka wejiga labaad ee la dagaalanka kooxda Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doono hayadaha caalamiga ah waxa uuna weydiisan doonaa iney u fidiyaan taageero u helida xasilinta dawladda Soomaliya ku samayneyso dalka amnigiisa.
ISHA WARKA SB-MEDIA.