MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TURKIGA UGA…
(SAWIRKA)-WAFDI KA SOCDAY DAWLADDA TURKIGA OO GAARAY DHUUSAMAREEB.
(DH/MAREEB)-Wararka ka imanayo caasimadda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in maanta oo Isniin ah uu halkaasi gaaray Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Md.Ibrahim Mete Yagli iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo uuna ka mid yahay Taliyaha dugsiga Tababarka Ciidamadda ee TurkSom ee magaaladda Muqdisho S/G.Sebahatin Kalkan,ujeedada safarka Safiirka iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay iney tahay dhiirigelinta la dagaalanka kooxda Alshabaab ee uu dalka Turkiga ka qaadanaayo qeyb libaax. In wafdi Turki ah ey gaaraan halkaasi waxa ey muujineysaa sida ey dawladda Turkiga uga go’an tahay iney dalka Soomaaliya ka kaalmeyso sidii looga ciribtiei lahaay Argagixisada Alshabaab.
ISHA/CAASIMADDA.