LAFTAGAREEN OO BAXSAD KA AH KGS.

(SAWIRKA)-SIYAASIYIINTA UGU TUNKA WEYN KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Sida ey la socdaan dadka intiisa badan ee daneyo arrimaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa soo dhaw waqtigii lagu balansanaay in degaanadaasi lagu qabto Doorasho Xor iyo Xalaal ah eyna ka wada qeybgalaan dhammaan siyaasiyinta ka soo jeedo degaanadaasi,Madaxweyne C/Casiis Laftgareen ayaa waqti xileedkiisii waxa uu ku ekaay 31/12/22-kii waxa uuna si xoog ah ugu darsaday muddo dhan hala sano oo ey hadda ka dhiman tahay seddex bilood,Laftgareen ayaa waxa damac mug weyn uu uga jiraan inuu dhaqan geliyo waxyaabihii ka soo baxay shirkii Golaha Wada Tashiga Qaranka ee dhacay Meey-23-ka. Laftagareen oo iska indha tiraayo xaqiiqda jirta ayaa hadda wada olole uu ku baadi goobaayo inuu xukunka sii joogo hal sano oo kale kuna eg Nov/24-ka,siyaasiyiinta ugu tunka KGS ayaa ku shiray guriga Gudoomiye Sheekh Adan Madoobe waxa eyna ka soo saareen baaq sheegaayo in KGS ey ka dhacdo Doorasho Xor iyo Xalaal ah dhammaadka sannadkan.

ISHA/CAASIMADA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MUCAARADKA MA IMANAYAAN KISMAAYO?

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO TURKIGA UGA…