MADAXWEYNAHA KOONFUR AFRIKA OO LOO….
MW-RAMAPHOSA.
(SOUTH AFRICA)-Dalka Koonfur Afrika waxaa dhawanahaanba ka taagneed qadiyad la xiriirta Musuq uu sameeyey Madaxweynaha dalkaasi Ramaphosa,hadaba ganacsade reer Suudaan ah ayaa xaqiijiyey inuu bixiyey lacag dhan boqolaal kun oo doolarka Maraykanka ah lacagtaaso looga iibiyey Xoolo laga dhoofinaayo dalka Koonfur Afrika,lacagta laga qaaday ganacsadaha reer Suudaan ayaa xudun u ah Musuqa loo haysto Madaxweyne Ramaphosa arrintaan ayaa sababi karta in Madaxweyne Ramaphosa uu waayo xilkiisa Madaxweynenimo. Arrintaan Musuqa uu ku lug leeyahay Madaxweyne Ramaphosa ayaa soo shaac baxday todobaadkii tegay waxa eyna gaartay baarlamaanka dalkaasi Koonfur Afrika waxa uuna Madaxweynaha ku eedeyey inuu sameeyey dhaqan xumo ka dib markii uu xaday lacag dhan $500-kun.
ISHA WARKA THE GUARDIAN.