MADAXWEYNAHA KENYA OO SHAQADA KA…

MADAXWEYNE WILLIAM RUTO.

(NAIROBI)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay inuu shaqada ka eryey agaasimaha waaxda dembi baarista(DCI) ka dib markii ey kordheen dadka la waayo iyo cadaalad la’aanta haysato dadka la dilo oo dacwadahooda aan lagu dhammeyn maxkamadaha dalka Kenya. William Ruto ayaa shalay oo Arbaca ahayd waqti dambe waxa uu daaha ka qaaday mar uu warbaahinta kula hadlay kulan la isugu yimid la isagana xog waraystay xaaladda amni ee dalka Kenya hadda ku sugan yahay. Hadalka William Ruto ayaa yimid bil ka dib bishii Sebtembar-2022-ka markii William Ruto ku baaqay inuu is casilo agaasimaha waaxda dembi baarista dalka Kenya Giorge Kinoti mana aha mid kala cad in Kinoti iskiis isu casilay iyo in kale.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MAGEFIHII LIIBIYA OO LA QABTAY…

Next
Next

BOOLISKA IYO SIRDOONKA WAA U MUHIM…