MAALGELIYIHI XIZBULLAH OO LA QABTAY.

MAXAMED IBRAHIM BAZZI.

(NEW YORK)-Nin u dhashay dalka Libnaan oo haysta dhalashada dalka Biljam loona tixgeliyo inuu yahay ninka maalgeliyo kooxda ey taageerto Iraan ee Xizbullah ayaa maanta oo Jimca ah lagu xiray Magaalada Bukharesti ee ah caasimadda dalka Romaaniya,sidaas waxaa sheegtay xukuumada Romaaniya. Maxamed Ibrahim Baazi oo 58-jir ah laguna asteeyey inuu yahay “Argagixiso Caalami ah” ayey dawladda Maraykanka madaxiisa dul dhigtay lacag dhan $10-Milyan sannadkii 2018-kii,waxaane lacagtaas qaadan doono qofkii keeno macluumaad sahli kara in la ogaado halka uu Baazi ku sugan yahay,Maxamed Baazi ayaa ururka Xizbullah siiyey malaayiin doolar muddo sannada ah sida ey sheegtay dawladda Romaiya.

ISHA WARKA AP.

HALKANAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MASKAXDII KA DAMBAYSAY QARAXI…

Next
Next

44,218-QOFOOD AYAA KU DHIMATAY DALKA….