MA GEFE OO LA QABTAY IYO WAXYAABO CUSUB OO YAAB LEH.
Wax badan waxa aan maqalnaa amaba ka aragnaa Tv-yadda tahriibayaal doon kula degtay biyaha u dhexeeyo dalalka Liibiya iyo Talyaaniga,magaca sida aadka ah ugu batay maqalkiisa marka laga hadlaayo tahriibka Liibiya waa MAGEFE oo lagu tilmaamo inuu yahay shaqsi aad u arxan darran wax walbana lacagta kala sareeyso,waxaa hadda soo baxday sheeko kale oo aad u naxdin badan kana xanuun badan sheekooyinkii hore waxaa la ogaaday dadka uu dilo magefe in lagala bixi jiray xubnaha qaaliga ah ee jirka bani’aadamka,hadaba maxaa dhacay?
Ciidamadda amaanka dalka Liibiya ayaa xiray ninka soomaaliga ah ee ku caan baxay tahriibinta dadka iyo kotoro baanka waa Xasan Qidi,Xasan waxa uu ahaay nin la raadinaayo una madax ah koox burcad ah kana shaqeeysato muhaajiriinta aan haysan sharciga iyo tahriibka.
Kow iyo tobankii bishaan sebtembar-2021-ka kuna beegneed shalay oo Sabti ah ayaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka Liibiya xaqiijiyey ninka ku caanka baxay tahriibinta dadka Xasan Qidi la xiray eeyna soo qabteen ururka 444-aad ee ku sugan Bani Waalid bartamihiisa bishii Maarso-2021-ka.XIGASHO SOUTHFRONT.