SUUDAANIYIIN LA KHIYAANAY.

sudaan.jpg

Boqolaal rag ah una dhashay dalka Suudaan ayaa la soo sheegay inuu shaqaaleeyey Imaaraat Carabta si eey u sugaan amniga waardiyana uga qabtaan gudaha dalka Imaaraatka Carabta,waa la khiyaanay suudaaniyiinta oo waxaa loo qaaday dalka Liibiya si eey halkaas uga dagaalamaan sida lagu sheegay baaritaan eey sameeysay hayadda xuquuql insaanka ee loo yaqaano Human Rights Watch.

Ragaan Suudaaniyiinta ah ee la khiyaanay ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay 390-qofood oo rag wada ah,intooda badan ragaan ayaa ka yimid caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum,ragaan la khiyaanay ayaa waxaa shaqaaleysay shirkad ka dhisan dalka Imaaraatka Carabta shaqada eey qabataana eey tahay hawlaha amaanka waxaa shirkadaas la dhahaa BLACK SHIELD SECURITY SERVICE,ujeedada loo shaqaaleeyey ragaan Suudaaniyiinta ah ayaa ahayd ineey ilaaliyaan dhismayaasha eey ku yaaliin goobaha laga suuqeysto iyo Huteeladda ee ku yaalo gudaha dalka Imaaraatka Carabta,dhinaca tababarka,ragaan waxaa la siiyey tababar qaatay laba bilood ka dibne waxaa loo qaaday dalka Liibiya si eey uga dhinaca dagaalamaan dagaal oogaha eey taageerto Imaaraatka Carabta ee la yiraahdo Gen.Khaliifa Xaftar. XIGASHO THE INDEPENDENT.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

GABADHII SEDDEXAAD OO MUSLIMADA KUNA SOO BIIRTAY KOONGAREESKA.

Next
Next

HUB DAACISH LEEYAHAY OO LA QABTAY.