KOOXDA ALSHABAAB OO LA TIMID XEELAD CUSUB.

(SAWIRKA)-BUSTAHA KA SAMEYSAN ALUMUNIYAM.

(SOMALIA)-Maalmahaan waxaa dagaal culus uu u dhexeeyaa ciidamadda DFS iyo kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta maamuladda H/shabeele iyo Galmudug,dagaalkan ayaa si xoogan waxa uu uga socdaa Koonfurta Gobolka Mudug iyo Bariga Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug. Diyaaradaha aanuu duuliyaha wedin ayaa door lixaad leh waxa ey ku leeyihiin dagaalka hadda socda waxa eyna kooxda Alshabaab u gaysteen khasaarooyin fara badan eyna mid yihiin dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyeed oo soo gaaray maleeshiyaadka Alshabaab,hadaba maxaa soo kordhay? Rag u shaqeynaayey kooxda Alshabaab lana sheegay iney yihiin Ganacsato Soomaliyeed ayaa dalka soo geliyey Bustooyin ka sameysan Alimuuniyam taaso looga gabado weerarada diyaaradaha Drones-ka,ragaan la qabtay ayaa kooxda u weday Bustooyin la sheegay iney ka sameysan yihiin Alumuniyam,sidaan oo kale ayaa horay waxa ey uga dhacday dalka Afgaanistaan mar ey diyaaradaha Drones-ka xulafada weerareen goob lagu tuhmaayey Taalibaan.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

GEDO: TALIYE GUUTO OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL.

Next
Next

RABSHADO KA DHACAY JARMALKA OO ASKARI KU…