KOOXDA ALSHABAAB OO KU LE’ATAY CAWSWEYNE.

(SAWIRKA)-CIIDMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(GALMUDUG)-Shalay ayey ahayd markii ey kooxda Alshabaab isaga bexeen degmada Qadiimiga ah ee Ceelbuur,kooxda ayaa u guurtay dhinaca degaanka Galhareeri halkaaso ey ku leeyihiin fariismo kale una ahayd keydka baabuurta qaada waxyaabaha qarxa ee lagu weeraro degaanada Galmudug tobankii sano ee la soo dhaafay. Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa la socday kooxda dhaqdhaqaaqeeda dhinaca degaanada u dhexeeyo degmooyinka Ceelbuur iyo Ceeldheer waxa eyna mar walba filan kareen weerar kooxda halaagsantay ugu yimaado. Hadaba aroornimadii maanta oo Sabti ah(26/8/23)-ka ayey kooxda Alshabaab weerar afarla ah(Afar Jiho) waxa ey ku soo qaaday saldhig ciidamadu ku leeyihiin degaanka Cawsweyne kaaso degmada Ceeldheer u jira fogaan dhan 20-kiiloomitir,weerarka ayaa ku bilawday qaraxyo ka dibne waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamadii ku sugnaay Cawsweyne iyo Alshabaabkii soo weeraray,dhinaca kalane waxaa socday duqeymo dhinaca cirka ah ey sameynaayeen saaxibadda caalamka eetaageero ciidamada Soomaaliya,warar laga helay dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iney si geesinimo leh isaga caabiyeen weerarka Alshabaab isla markaasne Alshabaab laga burburiyey dhawr baabuur ey ku baxsanaayeen ka dib markii ey jabeen,weli lama soo saarin tirada dhabta ah ee dhimashada iyo dhaawaca dagaalkii dhacay maanta.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO LAGU DILAY SEDDEX MADAW AH.

Next
Next

DEGMADA CEELBUUR MAXAY CAAN KU TAHAY?