KENYA OO LABA DIYARADOOD ISKU DHECEEN.

(SAWIRKA)-BURBURKA DIYARADII 99-FLYING CLUB.

(NAIROBI-KENYA)-Booliska dalka Kenya ayaa baaraayo shil hawada ku dhexmary diyaarad ey leedahay shirkadda SAFAILINK iyo diyaarad ey leedahay shirkadda 99-FLYING CLUB ee magaaladda Nairobi dalka Kenya. Diyaaradda ey leedahay shirkadda Safarilink oo ku sii jeeday Diani ayaa dib u soo laabatay ka dib markii ey isku dheceen wax yar ka dib markii ey ka duusha garaoonka diyaaradaha ee Wilson. Laba qofood oo saarnaay diyaaradda 99-Flying Club ayaa ku dhintay shilka subaxnimadii Talaadada dhacay,sidaas waxaa wargayska Business Daily u sheegay booliska dalka Kenya. 99-Flying Club waa dugsi lagu barto Duuliyanimad kuna yaalo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi,dugsigaan ayaa u adeega qeybaha gaarka loo leeyahay sida ganacsiga iyo diyaadaha. Dhammaan 39-kii qofood ee rakaabka ahaay iyo 5-tii qofood ee shaqaalaha ahayd ee la socday diyaaradda Safarilink ayaa si nabad ah looga saaray diyaaradda. Sida ey sheegtay diyaaradda,waxa ey hawada iskula dheceen diyaarad kale waxyar ka dib markii ey duushay oo ey dib ugu soo laabatay garoonka. Shirkadda Safarilink waxa ey doonaysay iney soo sheegto in duulimaadkeedii tirsigiisu ahaay 053 oo ey la socdeen 39-qofood oo rakaab ah iyo 5-qofood oo shaqaale ah kuna sii jeeday Diani ey la kulanta jug weyn waxyar uuna ka dib markii ey duushay(9:45)-subaxnimo,sidaas waxaa sheegtay shirkada Safarilink. “shaqaalaha ayaa go’aansaday iney dib ugu laabtaan Garoonka Wilson ee magaaladda Nairobi si ey baaritaan iyo qiimeyn dheeri ah ugu sameeyaan shilkii dhacay,waxayna si nabad ah uga degeen garoonka Wilson ee magaaladda Nairobi”.

ISHA/THE EAST AFRICA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO ISKA KAASHAN DOONO..

Next
Next

SOOMAALIYA OO SI BUUXDA UGA MID NOQOTAY URURKA EAC.