KENYA OO KU KHASAARTAY TARTANKII AU-DA.
(SAWIRKA)-RAILLA ODINGA GUUL DARADII KA DIB.
(ADDIS ABABA)-Maalmihii la soo dhaafay gaar ahaan Sabtidi iyo Axadii waxaa magaaladda Addis Ababa ee ah Caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyey Tartankii kursiga ugu sareeyo Ururka Midawga Afrika. Kursigaan ayaa waxaa u tartamaayey Seddex Musharax kana kala socday dalalka Jabuuti uu ka socday Maxamud Cali Yusuf, Kenya uu ka socday Raila Odinga iyo Madagaskar oo uu ka socda Richard. Dalka Kenya ayaa ahaa dalka kaliyah ee aadka ugu soo diyaar garoobay inuu ku guuleysto kursigaas,waxa eyna Kenya u dirtay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Xildhibaano gaarayo ilaa 100-Xilhibaan kana wada tirsan Baarlamaanka dalka, Kharash intee le’eg ayaa ku baxay? Sida caadiga ah Wargaysyada dalka Kenya waxa ey ka hadlaan khalad kasta oo ka dhaca Dawladooda waane ey soo bandhigaan,hadaba Wargays ka mid kuwa ka soo baxa magaaladda caasimada ah ee Nayroobi ayaa ka hadlay kharashaadka baxay iyo sida ey u kala bexeen,waxa uuna ku bilaabay Diyaaradaha. Tikid lagu tegaayo loogana imaanayo Addis Ababa marka la raaco Diyaaradda Itoobiya heerka ugu hooseeyo qofkiiba waxa uu noqonayaa KSH.82,000 una dhiganta ilaa $635, Tikidka Ganacsiga halkii qof waxa uu noqonayaa KSH.180,000 una dhiganta $1,395. Marka la raaco diyaaradda Kenya, Tikidka lagu tegaayo Addis loogana imaanaayo heerka ugu hooseeyo Ksh.75,000 una dhiganta $585, Tikidka Ganacsiga halkii qof waxa uu noqonayaa Ksh.230,000 una dhiganta $1,782. Dhinaca Hoyga, Wargayska oo sameeyey qiimeyn ayaa sheegay inuu u kala qaaday laba qeybood kalana ah “Qaali” sida Five Star halkii habeen waxa uu ku sheegay inuu yahay Ksh.60,00 una dhiganta $465, qeybta “Raqiista”ah ayuu wargeysku ku sheegay halkii habeen inuu yahay Ksh,12,500 ilaa Ksh.20,000 una dhiganta $96.90 ilaa $155. Boqolka Xildhibaan iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa Addis ku sugnaay muddo seddex maalmood ah, Wargayska ayaa sameeyey inta hal Xildhibaan ku bixi karto halkii habeen ee uu seexdo Hotelka ugu badnaan waxa uu Wargayska ku sheegay lacag dhan $465 ugu yaraan,ugu badnaane waxaa ku bixi karta $1.395. Guud ahaan lacagta ku baxday halkii Xildhibaan ee ka mid ah Boqolka Xildhibaan ee Addis Ababa u tagtay u ololeynta Raila Odinga ayuu Wargaysku ku qiyaasay iney dhan tahay $3,647 una dhiganta Ksh.470,000. Dalka Kenya oo lumiyey helida Kursiga AU-da galayne kharash intaas la eg miyuu ku qanci doonaa guul daradda gaartay mase wax kale ayaa la siin doonaa? Shacabka Kenya oo ka hadlay arrintaan ayaa dawladda ku dhaliilay in Musqulaha iskuuladda qaarkood eysan lahayn dayactir iyo biyo ku filan,kharash fara badane lagu bixinaayo Siyaasadda Dibadda iyo xilal aan shacabka waxba u tareyn.
ISHA-SB-MEDIA.