DOON LAGU AFDUUBAY XEEBAHA DEGMADA EYL.

(SAWIRKA)-DOON.

(DUBAI-UAE)-Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigeen dooni kale oo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen. War qoraal ah oo ey soo saareen gelinkii dambe ee Talaadadii, ciidamada badda Yurub ee loo yaqaan EUNAVFOR Atalanta ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday doon, markab dhaqameed oo mareysay biyaha Bariga Dhexe, kana baxsan degmada Eyl ee Dawlad Goboleedka Puntland Soomaaliya.
Waxay sheegtay in weerarka Isniintii uu weli ku socdo baaritaan. Waxay ku soo beegantay 10 maalmood ka dib markii ey burcadbadeed kale weerar ku qaadeen dooni kale oo kalluumeysi oo Yemeni ah taasi oo ugu danbayntii lagu soo afjaray budhcad-badeeddii, isla markaana badmareenadii la socday la soo badbaadiyay. Budhcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya ayaa sannadkii 2011-kii gaaray heerkii ugu sarreeyay, markaasoo la soo sheegay 237 weerar. Budhcad-badeedda Soomaalida ee gobolka wakhtigaas waxa ey dhaqaalaha adduunka ku galaaftay ilaa 7 bilyan oo doollar, iyada oo 160 milyan oo doollar lagu bixiyey Madax-furasho, sida ey sheegtay kooxda la socodka ee Oceans Beyond Piracy. Khatarta waxaa hoos u dhigay kororka ilaalada Caalamiga ah ee ciidamada badda, dowladda dhexe oo xoojineysa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyo dadaallo kale. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada burcad-badeedda Soomaalida ayaa sannadkii hore si xawli ah u billaabay, iyadoo ey qayb ka tahay Ammaan-darrada ey fallaagada Xuutiyiinta Yemen ka billaabeen Marinka Badda Cas ee dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza. Sannadkii 2024-kii, waxaa Soomaaliya laga soo sheegay toddobo dhacdo, sida uu sheegay Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha.

ISHA-AN.

Previous
Previous

SUUDAAN OO CAMBAAREYN KULUL U JEEDISAY..

Next
Next

KENYA OO KU KHASAARTAY TARTANKII AU-DA.