KENYA OO DOORASHO AADEYSO BERRI..

DOORASHADA KENYA.

(NAIROBI)-Dalka waxa uu ka mid yahay dalalka deriska la ah dalka Soomaaliya isla markaasne eey ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya ciidamadaaso ka tirsan ciidamadda Nabad ilaalinta Afrika(ATMIS),ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa intooda badan ku sugan maamulka Jubaland ee koonfurta Soomaaliya,hadaba dalka Kenya oo ah dal eey ka dhacdo doorasho baarlamaan iyo mid Madaxwyne hal mar afartii sanaba mar, doorashadii ugu dambaysay ayaa dalka Kenya ka dhacday sannadkii 2017-kii bishii Agoosto sagaalkeedii(9/8/2017)-kii,doorashadaan ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan waxaane tiradooda lagu sheegaa ineey dhan tahay boqolaal qofood inta ku dhaawacantayne kumanaan qofood sida laga soo xigtay hayadaha u dooda xuquuqul insaanka. Hadaba berri waa 9/8/22-ka waxaane dalka Kenya lagu wadaa ineey ka dhacdo doorasho daah furan waxaane hadda dalka Kenya gaaray korjoogayaal ka kala socdo adduunka iyo Kenya waxaane tiradooda lagu sheegay ineey dhan tahay 18.000-korjooge sida laga soo xigtay Madaxa gudiga doorashooyinka Kenya(IEBC) Wafula Chebukati. War ayaa hadda sheegaayo in madaxa doorashooyinka Kenya Wafula Chebukati inuu baabi’iyey doorashada gudoomiyeyaasha Mombasa iyo Kakamega iyo kuraasta Kacheliba iyo koonfurta Pokoto sababta ayaa lagu sheegay waraaqaha tartanka oo khalad ah,sidoo kale sideed sarkaal kana tirsan gudiga IEBC-da ayaa shaqada laga joojiyey ka dib markii lagu helay ineey la kulmeen musharixiinta gobolada eey masuulka ka yihiin waxaane bedelkooda loo magacaabay afar kale oo ka mid ah IBEC-da,sideed sarkaal ayaa hadda ah kuwa u xiran dembigii eey galeen,waxaane caawa la filaa inuu shacabka Kenya la hadlo madaxweynaha uu dhammaaday xilkiisa Uhuura Kenyatta.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

BOOQASHADA BLINKEN EE AFRIKA..

Next
Next

MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO….