KENYA OO BAARIS KU HAYSA SARKAAL IRAANI AH.
(KENYA):Golabi waa shaqsi lagu tuhmaayo inuu yahay sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Iraan lana shaqeeyo koox reer Kenya ah dhammaantoodna ah sirdoon ka soo horjeeda horumarka dalka Kenya.Warbixin eey goor dhaw soo saareen hayadaha sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegayso in mawaadin reer Iraan ah ee la yiraahdo Maxamed Saacid Golabi inuu Kenya iyo wadamadda deriska la ahba ka wado dhaqdhaqaaq argagixiso,sirdoonka Kenya waxa eey rumaysan yihiin in Golabi siyaaro ku yimid dalka Kenya iyo gobolkaba si isdaba joog ah isagoo diyaarinaayo weeraro argagixiso laguna bartilmaameedsanaayo dadka reer Kenya iyo yuhuuda daneeyso dalka Kenya.Ila badan oo boolis ah ayaa wargayska STAR u sheegay ineey la socdaan dhaqdhaqaaqa aragagixiso uu samaynaayo golabi iyo asaxaabtiisa uu ku leeyahay Kenya kuwaaso isku xiraayo isaga(Golabi) iyo argagixisada.ISHA STAR.