KAMPALA: SOOMAALIYA OO GUUL KALA SOO HOYATAY SHIRKII IGAD.

(SAWIRKA)-CALAMADA WADAMADA XUBNAHA KA AH IGAD.

(KAMPALA)-Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay shir deg deg ah ey isugu yimaadeen Wadamadda xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD,Ururkaan ayaa waxaa xubno ka ah sideed dal ey ka mid yihiin”Soomaaliya Jibuuti,Kenya,K/Sudan, Sudan, Ugandha,Tanzaniya iyo Itoobiya”.Masaaxadda dhuleed ee sideedaan dal ayaa lagu qiyaasaa iney dhan tahay 5.2-Milyan oo kiilomitir oo isku wareeg ah,Gobolka ayaa leh dhul xeebeed dhan 6960-kiilomitir,kuna kala yaalo Bad weynta Hindiya,Gacanka Cadmeed, Gacanka Tojora iyo Badda Cas.waxaane Ururkaan IGAD xarun u ah caasimadda Dalka Jibuuti,Xoghayaha fulinta fulinta ee Ururka IGAD ayaa waxaa ah Dr.Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya horayne u soo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya intii u dhexeysay 2016-kii ilaa 2019-kii,waxaa kaloo uu soo noqday Wasiirka Gaadiidka dalka Itoobiya intii u dhexeysa 2012 ilaa 2016-kii. Madaxweynaha dalka Jabuuti Md.Ismaaciil Cumar Geele ayaa hadda Madaxa Urur Goboleedka IGAD wxaane shirkii maanta ka dhacay Kampala shir gudoominaayey MW-Geele iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Ugadha MW-Museveni,shirkaan ayaa waxaa dalbatay dawladda Federalka soomaaliya ka din markii dawladda Itobiya iyo maamulka Soomaaliland ey kala saxiixdeen heshiis Itoobiya dhul badeed looga kireynaayo,hadaba shirka ayaa waxaa ka soo baxay go’aamo dhaxalgal u ah shacabka.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

KHUDBADII UU JEEDIYEY MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD.

Next
Next

URURKA MIDAWGA AFRIKA OO KA HADLAY…