KALIGII TALIYIHII HORE EE DALKA JAAD OO GEERIYOODAY.
DAKAR(Senigaal):Kaligii taliyihii hore ee dalka JAAD Xuseen Habre ahaayne madaxweynihii hore dalka JAAD oo galay dembiyo ka dhan ah bani’aadanimada side eey ku eedeysay maxkamadda Afrika ka dib markii dawladdii uu hogaaminaayey lagu eedeyey ineey dishay dad gaaraayo afartan kun(40,000)-qofood.Xuseen Habre oo muddo deganaay dalka Senigaal ayaa maanta oo Talaado ah ugu geeriyooday cudurka Covid-19 ,kaligii taliye Habre ayaa markii ugu horeysay ee la xiro ahayd sannadkii 2013-kii,seddex sano kadibne(2016)-kii ayaa kaligii taliye Habre lagu xukumay xabsi daa’in ah balse waxa uu xasbiga ku jiray muddo dhan shan sano.XIGASHO abc-News.