KALFADHIGA 24-AAD EE AU-DA OO QABSOOMAY.

(SAWIRKA)-URURKA AU-DA.

(ADDIS ABABA)-Wararka aan ka heleyno Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa,inuu xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa kaga qayb galay kalfadhigii 24-aad ee aan caadiga ahayn ee Guddiga Fulinta iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Midowga Afrika. Kalfadhigan 24-aad ayaa looga arrinsaday dar‑dargelinta hawlaha horyaalla Ururka Midowga Afrika, gaar ahaan fulinta iyo fududaynta kuraastii ay doorashadoodu harsanayd, intii lagu guda jiray kalfadhiga 24-aad ee maanta dhacay, waxaa lagu doortay saddex xubnood oo ka kala tirsanaa doona Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC), Guddiga Sharciga Caalamiga ah ee Midowga Afrika (AUCIL), iyo Golaha Sare ee Arrimaha Satellite-ka Afrika (AfSC), halka doorashada kuraasta harsan dib loogu dhigay bisha July 2025. Kalfdhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Midawga Afrika Md.Cali Yuusuf Maxamud, Xogahyaha Guud ee Gudiga Fulinta ee Ururka Midawga Afrika ahne Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Angoola Md.Tete Antonio iyo Wasiirka Arrimaha dalka Itoobiya Gedion Timothewos.

ISHA-AU.

Previous
Previous

15-XUBNOOD OO ALSHABAAB AH OO LA SAARAY CUNAQA

Next
Next

WASIIR C/QADIR JAMAC OO WAREYSI SIIYEY ANADOLU.