15-XUBNOOD OO ALSHABAAB AH OO LA SAARAY CUNAQA
(SAWIRKA)-WASAARADDA LACAGTA MARAYKANKA.
(MUQDISHO)-Talaabo muhiim ah oo lagu curyaaminaayo kooxda Argagixisada ee AL-shabaab ayaa horseeday in cunaqabateyn 15-qof oo muhiim u ah shabakadaha Maaliyadeed iyo hawlgalada kooxda ee gudaha soomaaliya. Xarunta Bartilmaameedka Maalgelinta Argagixisada (TFTC), oo ah isbahaysi awood badan oo ka kooban toddobo waddan, ayaa ku dhawaaqday tallaabadan wadajirka ah, taasoo noqonaysa markii siddeedaad ee tallaabo noocaan ah la qaado, si loo ciriiriyo dhaqaalaha kooxda. TFTC, oo la asaasay bishii Maajo 2017, ayaa isku keenta Maraykanka iyo dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kuwaas oo kala ah: Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Cumaan, Kuwayt iyo Qadar. Ujeeddada isbahaysigan ayaa ah inuu hakiyo maalgelinta Argagixisada, isagoo adeegsanaya cunaqabateyn bartilmaameed ah, wadaagga xogta sirdoonka iyo kobcinta awoodaha. War-saxaafadeed shalay kasoo baxay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday ay si weyn ugu lug lahaayeen howlaha muhiimka u ah Al-Shabaab, sida ururinta qasabka ah ee dhaqaalaha iyo fidinta walxaha qarxa ee gacan-ku-samayska ah (IED). “Olole naxariis darro ah oo Al-Shabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed, sida lacagaha qasabka ah ee laga qaado beeralayda iyo afduubka shacabka, ayaa wali wiiqaya xasilloonida guud ee gobolka,” ayay tiri Anna Morris, Ku-simaha Xoghayaha Kaaliyaha Arrimaha Maal-gelinta Argagixisada ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka. “Tallaabada adag ee maanta ay qaadday TFTC waxaa loogu talagalay in lagu jaro xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay nidaamyada dhaqaalaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, kuwaas oo ay ku tiirsan tahay si ay u maalgeliso rabshadaha, u qorshayso weerarrada, una joogteyso howlgalladeeda.” Morris ayaa sidoo kale adkeysay waxtarka iskaashiga caalamiga ah, iyadoo sheegtay in “dalalka xubnaha ka ah TFTC ay muujiyeen inay wax badan qaban karaan marka ay si wadajir ah uga hortagaan khataraha ay kooxahani ku hayaan nidaamka dhaqaalaha caalamka. Waxaan sii wadeynaa cadaadiska xooggan ee lagu hayo kooxaha argagixisada iyo shabakadaha dhaqaalahooda.” 15-ka qof ee la bartilmaameedsaday ayaa ka howlgala Gobollada Shabeellaha Hoose, Jubada Hoose, iyo Jubada Dhexe ee Soomaaliya, iyagoo door muhiim ah ka haya Qaab-dhismeedka Maaliyadeed iyo howlgal ee kooxda. Howlahooda waxaa kamid ah:
Ururinta qasabka ah: Lacago si sharci-darro ah qasab looga qaado shacabka, xoolaha nool ee lagu tilmaamo “tabarucaad,” iyo lacagaha lagu soo rogo ganacsiyada gudaha.
Cabsigelin iyo maamulid: Adeegsiga ciidanka Hisbah oo ah booliis sharci-darro ah oo kooxda Al-Shabaab leedahay, kaas oo shacabka lagu khasbo inay bixiyaan dhaqaalaha.
Afduubid: Qafaalashada shacabka si madax-furasho loo qaato iyo ujeeddooyin kale.
Taageeridda walxaha qarxa (IED): Fududeynta sameynta iyo adeegsiga walxaha qarxa ee gacan-ku-samayska ah.
Hoggaaminta howlgallada: Qorshaynta iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, iyadoo loo adeegsanayo gaadiidka qarxa iyo hoobiyeyaasha.
Maamulka sirdoonka iyo dhaqaalaha: Kormeeridda howlaha sirdoonka iyo dhaqaalaha kooxda.
Faafinta fikirka kooxda: Ka-qayb qaadashada dadaallada lagu faafinayo fikirka kooxda Al-Shabaab.
Shakhsiyaadka ay bartilmaameedsatay TFTC ayaa kala ah:
Xasan Abshir Xuuroow (Xuuroow): Sarkaalka sirdoonka iyo dhaqaalaha ee Al-Shabaab; wuxuu hoggaaminayay ururinta tabarucaadka qasabka ah ee xoolaha nool ee Kismaayo.
Aadan Yuusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim): Mas’uul ka ah ururinta lacagaha qasabka ah ee Shabeellaha Hoose; wuxuu khasab lacag uga qaadi jiray iibka xoolaha iyo ganacsiga suuqyada.
Muumin Dheere (Dheere): Ku-xigeenka amiirka Wayanta ee Jubada Hoose; wuxuu isku dubbariday weerarro aargoosi ah iyo kuwa qorshaysan oo loo adeegsanayay gaadiidka qarxa iyo hoobiyeyaasha, isagoo weerarray garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
Macalin Burhaan (Burhaan): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab ee deegaanka Wayanta, Jubada Hoose; wuxuu caan ku ahaa xarigga iyo xiritaanka in ka badan 80 qof oo shacab ah.
Cali Axmed Xuseen (Xuseen): Amiirka Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose; wuxuu lacag ka qaadi jiray beelaha deegaanka, isagoo sidoo kale fududeeyay dhaqdhaqaaqa dagaalyahanada iyo hubka kooxda.
Maxamed Cali (Cali): Taliye ciidan oo Al-Shabaab ah, isagoo hoggaaminayay 100 dagaalyahan oo hoos taga Dheere.
Axmed Kabadhe (Kabadhe): Amiirka Jubbaland ee Al-Shabaab; wuxuu soo abaabulay weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka ee deegaanka, wuxuuna qorsheeyay weerarro loo adeegsanayo gaadiidka qarxa.
Siyaad Ayuuto (Ayuuto): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab ee Jubada Hoose; wuxuu horey u ahaa taliyaha Beer Xaani iyo amiirka howlgallada Kismaayo.
Xasan Yariisoow Aadan (Aadan): Taliye sare oo Al-Shabaab ah; wuxuu lacag ka qaadi jiray dadka deegaanka ee Shabeellaha Hoose si uu u maalgeliyo kooxda.
Siciid Cabdullaahi Aadan (Aadan): Khabiir Al-Shabaab u qaabilsan walxaha qarxa; sidoo kale wuxuu lacago qasab uga qaadi jiray shacabka deegaanka.
Maxamed Cabdullaahi Xirey (Xirey): Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Jubada; wuxuu ka qayb qaadan jiray baahinta dacaayadaha kooxda.
Cabdi Roobow (Roobow): Taliye dhexe oo ka tirsan Al-Shabaab, kana hawlgala deegaanka Wayanta ee Jubada Hoose; wuxuu qorsheeyay weerarro isagoo la shaqeynayay Dheere.
Sheekh Aadan Abuukar Malayle (Malayle): Hoggaamiye Al-Shabaab ah; wuxuu mas’uul ka ahaa lacagaha khasabka ah ee Shabeellaha Hoose, oo loo adeegsan jiray hubka iyo sahayda kooxda.
Aadan Jiss (Jiss): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab; wuxuu maamulayay xarun dadka lagu xiro oo hoos timaada maxkamadaha kooxda.
Cumar Guhaad: Taliye Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose; wuxuu amar ku bixiyay in beelaha deegaanka ay bixiyaan lacag badan oo ay kooxda ku taageeraan.
ISHA-CAASIMADDA ONLINE.