JIGJIGA: SAGAAL JIR LA KUFSADAY LANA DILAY.

(SAWIRKA)-MAGAALADDA JIGJIGA.

(JIGJIGA)-Booliska caasimadda Dawlad Degaanka Soomaalida itoobiya ayaa hadda baaraayo dil aad u fool xun oo lagula kacay gabar sagaal sano jir ah laguna magacaabo Faadumo Ugaas ,gabadhaan ayaa la kufsaday ka dibne la dilay meydkeedina la suray isagoo xarig ku xiran gudaha gurigooda maalintii Axada ey bishaan Agoosto ahayd todobo iyo labaatanka(27/8/23)-ka. Waxa ey daba socotaa shilkii,Faadumo Ugaas meydkeeda ayaa loo qaaday isbitaal gaar ah si loogu sameeyo baaris dheeri ah sida laga soo xigtay C/qaadir Rashif oo ah agaasimaha isgaarsiinta gobolka DDS Itoobiya,C/qaadir ayaa war intaas dhaafsan siiyey Wargayska Addis Standard waxa uuna sheegay in taqaatiirta isbitaalka arkeen calaamado muujinaayo in Faadumo loo gaystay Kufsi waxaane meydka Faadumo loo diri doonaa isbitaalka Kaaraa Mardha si halkaasi loogu sii sameeyo baaris caafimaad oo lagu xaqiijinaayo in la kufsaday Faadumo ka hor inta aan la dilin.

ISHA/ADDIS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

PKK IYO YPG OO LAGU FARA SAARAY SURIYA.

Next
Next

QAARADA AFRIKA WAXAA LA DHACAY TODOBO AFGEMBI MUDDO DHAN…