JAYSH AYMAN OO HADDA LA OGAADAY.
Jaysh Ayman waa garab ka tirsan kooxda alshabaab kana hawlgala dalka Kenya,wax yar ayaa laga yaqaanaa hogaamiyaha garabkaan alshabaab saldhigiisu yahay soomaaliya kana hawlgala Kenya. Maalim Ayman waa hogaamiyaha Jaysh Ayman kaasoo la ogaaday ka dib markii eey dawladda Maraykanka eey ku soo dartay liiska argagixisadda weerarka ka gaysata dhulka Kenya,Maalim Ayman waxa uu ku dhashay magaaladda Madheera waxa uuna Maraykanka ku eedeeyey Maalim Ayman yahay maskaxdii ka dambayasay weerarkii lagu qaaday xeradda ciidamadda ee Camp Simba in mnadaBay bishii Janaayo-2020-ka,weerarlkaas ayaa lagu dilay askeri Maraykan ah iyo laba kale oo u shaqeeynaysay shirkad Maraykan ah kana hawlgasha xeradda ciidamadda Manda Bay.
C/laahi Cismaan Maxamed kuna magac dheer(Eng.Ismaaciil) waa sarkaal ka tirsan aragagixisada alashabaab khabiirna ku ah samayanta waxyaabaha qarxa maareybtooda iyo samayntoda, Eng.Ismaaciil waana la taliyaha gaarka ah ee Amiirka Alshabaab iyo madaxa garabka warbaahinta alshabaab ee loo yaqaano Alkata’ib,dhinaca kalane qoraal uu soo dhigay bartiisa FCB-ga taliye ku xigeenkii hore ee hayadda NISA ee shaqadda laga eryay lagana xauubiyey darajaddii ciidan S/Guuto Cabdalla Cabdalla ayuu ku sheegay in Eng.Ismaaciil ahaay filim-qaade u shaqeeyn jiray Tv-ga Aljazeera qeybtiisa afka carabiga ee saldhigiisu yahay Dooxa caasimadda Qadar waqtigii uu agasimaha NISA Ex-wariye Fahad Yaasiin uu wakiil wareed Aljazeera uga ahaay wadamadda bariga afrika sida soomaaliya,kenya,itoobiya iyo jabuuti,waxaane halkaan laga soo dhiraandhirsan karaa in agaasime Fahad yahay nin lug fiican ku leh argagixisadda alshabaab mar haddii filim qaadihiisii maanta lagu tilmaamay inuu yahay qarax sameeye iyo la taliye amiirka alshabaab. XIGASHO DAILY NATION.