TEHRAN OO LAGU DILAY SAYNISYAHAN.
Wakaaladda wararka ee Ap war eey ka soo dirtay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta(UAE) ayey ku sheegtay in saynisyahan reer Iraan ah reer galbeedkuna u yaqaanaan hogaamiyaha jamhuuriyadda islaamiga ee sameeyey wixii caalamku u diiday dalka iraan ee ah Nuclear ninkii u sameeyhaayey Muxsin Fakhrizadah in maanta oo jimca ah lagu dilay meel banaanka ka ah magaaladda caasimadda ah ee Tehran ka dib markii jidka loo galay,weerarka ayaa ku bilawday qarax ka dibne weerar foolka fool ah oo dhexmaray kooxdii soo qaaday weerarka iyo ilaaladii la socotay Fakhrizadah,saynisyahaynka ayaa ku dhaawacmay weerarka waxa uuna ku geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Dhacadaan ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan waxa uuna sheegay in dilka Fakhrizadah xaaladda sii xumayn dooono waxa uuna carabka ku dhuftay in dilak Fakhrizadah eey door lixaad leh ka qaateen sirdoonka israa’iil(MOSAD),waxaane jirto in tobankii sano ee ugu dambaysay la ugaarsanaayey saynisyahadda reer Iraan ee qeybta ka ah samaynta hubka wax gumaada ee NUCLEAR,waxayne dhacdadaan cusub sii hurin doontaa xiisaddi horay u jirtay una dhexeeysay wadamadda Maraykanka,Israa’iil iyo iraan.
2/1/2020-ka ayey ahayd markii la dilay ninkii iiraan u qabilsanaay sirdoonka dibadda(QASIM SULEYMANI) isaga oo ka dhoofaayo garoonka diyaaradaha magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq,waana ognahay weerarki lagu qaaday safaaradda Maraykanka ee magaaladda Baqdaad kaasoo loogu aar gudaayey dilkii Sulaymaani. XIGASHO AP.