ITOOBIYA:DAGAALKA ITOOBIYA IYO DRONES-KA.

(NAIROBI-KENYA):Ka dib markii uu dagaalka ka socdo dalka Itoobiya uu soo galay Raysal wasaare Abiy Axmed gadaalne loo riixay xoogagii Tigray ee jabhada TPLF-ta kuwaaso ku soo siqaayey handadaane ku haayey caasimadda Addis Ababa isla markaasne rabay ineey xukunka ka ridaan Raysal wasaare Abiy Axmed ayuu Rw-Axmed magac waxa uu ciidamadda Itoobiya uga dhex helay.”ITOOBIYA WAA MID ISLA QABWEYN GEESINIMADEEDA AAN LA RUMAYSAN KARIN”sidaas waxaa yiri hogaamiye farxadi ka muuqato waa Abiy Axmed isagoo ku sugan goobaha dagaalka ee KOMBOLCHE 6/12/2021-ka.”ADDINKA WAXA AAD TIHIIN KUWA AAN KU KALSOONAHAY MARKA AAN LENAHAY ITOOBIYA MA AHA MID LUMAYSO WELIGEED”.Afartii bilood ee la soo dhaafay dalalka Imaaraatka Carabta,Iraan iyo Turkiga ayaa si degan oo wadajira waxa eey u caawinaayeen Rw-Abiy waxa eeyna ku taageeraayeen diyaaradaha DRONES-ka oo si aad ah u hubaysan,in kasatoo dalka Maraykanka iyo wadamada Afrika qaarkood ku baaqeen in la joojiyo dagaalka dalka Itoobiya lana sameeyo wada hadal siyaasadeed eey garwadeen ka yihiin diblomaasiyiin reer galbeed ah laakinse ma eeysan dhici arrintaas oo waxaa sii socday dagaalka.Sababta ugu weyn eey wadamadda Iraan,Imaaraatka iyo Turkiga u kaalmeeynayaan xukuumadda Itoobiya ayaa lagu sheegay ineey tahay ineey rabaan ineey ka sameeyaan lacag iyo ineey noqdaan wadamo raad siyaasadeed,dhaqaale iyo ciidamba ku leh geeska Afrika.ISHA NYT.

HALKAAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

UN-KA:MUDDO KORDHIN LOO SAMEEYNAAYO AMISOM.

Next
Next

HINDIYA:DAD SOOMAALI AH OO LAGA HELAY FAYRUSKA OMICRON.