ITOOBIYA MAKA MID NOQON DOONTAA AUSSOM?

(SAWIRKA)-WASIIRADII KU KULMAY MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Todobaad ka hor maanta oo kale oo Jimca ah Shacabka Soomaaliyeed meel ey joogaanba waxa ey ku Farxeen gacma furanne ey ku soo dhaweeyeen Go’aankii wanaagsanaay ey Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey ka qaadatay Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan Gudaha dalka Soomaaliya kuwaaso u kala baxa laba qeybood, qeyb ka tirsan Hawlgalka Midawga Afrika ee ATMIS iyo qeyb kale oo ku joogta heshiis dhexmaray waqti hore labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya. Shalay oo Khamiis ahayd waxaa magaaladda Muqdisho soo gaaray wafdi ka socdo dalka Itoobiya eyna Hogaamineyso Wasiiradda G/dhiga dalka Itoobiya Md.Caa’isha Maxamed Muuse, waxaane ku wehliyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr.Mesganu Arga Moach,wafdigaan ayaa waxaa la dejiyey Hoteel ku yaalo gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho. Maanta oo Jimca ah kuna beegan 3/1/2025-ka ayuu wafdiga ka socday dalka Itoobiya wax uu la kulmay dhigiisa Soomaaliya Md.C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo ah Wasiirka G/dhiga DFS iyo Md.Cali Balcad,Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda ee DFS ayaa booqday wafdiga Itoobiyaanka ah waxa eyna ka wada hadleen arrimo salka ku haayo Heshiiskii Ankara iyo Hawlgalka Cusub ee AUSSOM. War Saxaafadeed ey soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DFS ayaa looga hadlay arrimaha aan kor ku soo xusnay ee kala ah Hawlgalka AUSSOM iyo Heshiiskii Ankara,inta uu socday wada hadalka labada dhinac ayuu Wasiirka G/dhiga DFS Md.C/qaadir Maxamed Nuur waxa uu carabkiisa ku adkeeyey dadaaladda socdo ee lagu doonaayo in lagu dhammaystiro dhismaha Hawlgalka AUSSOM iyadoo loo maraayo iskaashi laba geesood ah iyo mid dhinacya badan leh. Wasiir C/qaadir ayaa ku celceliyey in DFS ey ka go’an tahay iney dhawrto Heshiisyadii hore loo gaaray, wuxuuna cadeeyey in DFS ey diyaar u tahay iney tixgeliso codsiga dalka Itoobiya ee ah iney Ciidamo ku biiriso Hawlaglka AUSSOM. Waxaa mudan in la xuso in 31/12/2024-kii ey ku ekeed waqtigii loogu talagalay iney dalka kaga baxaan Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee ka socdo Midawga Afrika ee ATMIS. Ciidamadda ka kala socdo Itoobiya iyo Burundi ayey ahayd iney dalka isaga baxaan marka la gaaro 31/12/24-ka waayo Itoobiya waa laga reebay Hawlgalka AUSSOM sida ey cadeeyeen Wakiiladda Soomaaliya u fadhiya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe,halka Ciidamadda Burundi ey iyaga iskood uga bexeen ka mid noqoshada Hawlgalka AUSSOM ka dib markii ey heli waayeen tiradii ey dalbadeen.

ISHA.SB-MEDIA.

HALKAAN KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO DISHAY 77-QOF DHAAWACDAYNE ILAA 145-QOF.

Next
Next

WEERARKII NEW ORLEANS OO NOQDAY MID ARG..