ISRA’IIL OO DISHAY 77-QOF DHAAWACDAYNE ILAA 145-QOF.

(SAWIRKA)-XASUUQA MARINKA GAZA.

(ANKARA)-Ugu yaraan 77-Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weeraradda raxmad daradda ah ee Isra’iil ku hayso Marinka Gaza,taaso tirada guud ee dhimahsada tan iyo Oktoobar-2023-kii ka dhigayso 45,658-Qofood,kuwaaso 18,858-qof oo ka mid ah ey yihiin Caruur halka 11,946-qof ey yihiin Dumar,waxaane la dhaawacay dad gaaraayo ilaa 108,583-qofood oo kale, sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza. “Ciidamadda Isra’iil waxa ey dileen 77-Qofood waxa eyna dhaawaceen ilaa 145-Qofood oo kale xasuuq loo geystay shacabka reer Falstiin 24-kii saac ee la soo dhaafay”ayey hadalkeed raacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza. Waxaane jira dad fara badan oo weli ku hoos jira burburka dhismayaasha iyo wadooyinka taaso sababtay in samafalayasha ey awoodi waayaan iney gaaraan. Bishii Nofembar-2024-ka ayey ahayd markii Maxkamada Caalamiga ah ee Dembiyada(ICC)-da ey soo saartay amar lagu soo xiraayo Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Isra’iil Yoav Gallant,labadaan masuul ayaa ku eedeysan iney galeen dembiyo ka dhan ah Bani’adanimada,Isra’ill ayaa hadda wajahaysa dacwad Xasuuq ah kana socoto Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ee dagaalka Marinka Gaza.

ISHA-AA.

Previous
Previous

LIIBIYA OO SOO AFJARAYSA TAHRIIBKA.

Next
Next

ITOOBIYA MAKA MID NOQON DOONTAA AUSSOM?