ISRA’IIL:NIN LAGU XUKUMAY INUUSAN KA BIXI KARIN ISRA’IIL 800-SANO.
(ISRAA’IIL):Nin u dhashay dalka Australia kuna nool dalka Israa’iil ayaa loo diiday inuu ka baxo dalka Israa’iil muddo dhan sideed boqol(800)-sano ama inuu bixiyo lacag dhan laba dhibic afar milyan($2.4)-milyan oo doolarka Maraykanka ah oo deyn ku ah lana xiriirta kaalmada caruurtiisa uu dhalay(CHILD SUPPORT) kuna sugan gudaha dalka Israa’iil.Noam Hupert oo afartan iyo afar(44)-jir una dhashay dalka Australia ayaa sheegay ineey waajib ku tahay inuu sii joogo gudaha Israa’iil ilaa 31/12/9999-ka sida eey xukuntay maxkamadda qaada dacwadaha u dhexeeyo qoysaska kala taga ama inuu Noam bixiyo lacag dhan($2.4)-milyan,Noam ayaan loo ogolaan doonin inuu ka baxo gudaha dalka Israa’iil sababo la xiriiro shaqdiisa ama fasax midkood.ISHA WAKALAADAHA.