ISMARI WAA KA TAAGAN DOORASHADA PUNTLAND.
(SAWIRKA)-MUCAARADKA PUNTLAND.
(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda Maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka jirto is mari waa siyaasadeed una dhexeeyso maamukii hore ee uu hogaaminaayo MW-Deni iyo Midawga Mucaaradka Puntland. Musharixiinta Mucaaradka ee u taagan xilka Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa mawqif mideysan ku go’aamiyey in doorashada ka dheceysa maamulka Puntland sannadka 2024-ka lagu galo 49-Xildhibaan taaso macneheedu yahay in meesha laga saaray 17-kii Xildhibaan ee ka imaan jiray SSC-Khaatumo,ka dib markii uu Mucaaradku yeeshay shir gaar ah kana dhacay magaaladda caasimadda ah ee Garawe. War saxaafadeed ka soo baxay Musharixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayey sidoo kale ku sheegeen iney kalsoonida kala laabteen Gudiga xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka cusub ee dawladda Gobleedka Puntand. Musharixiinta Mucaaradka ah ayaa isku raacay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo waqtigeeda kuna beegan 8/1/24-ka laguna galo 49-Xildhibaan maadaam ey SSC-Khatumo ey isaga baxday maamulka Puntland. Ugu dambeyntii,Golaha Musharixiinta Mucaaradka Puntland kana kooban 15-xubnood ayaa sidoo kale uga digay MW-Deni iyo Gudiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka iney sii wadaanhawsha doorashada aan heshiis lagu ahayn.
ISHA/PP.