DAGAALKII JEEX-JEEXA OO LAGU KALA ADKAADAY.

(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA ALSHABAAB.

(GALMUDUG)-Wararka laga helaayo Koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegaayo in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaalkii ugu cuslaay abid una dhexeeyo CXDS,Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga degaanka oo dhinac ah iyo Maleeshiyaad kooxda Alshabaab oo dhinaca kala ah,dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu maanta ka dhacay halka loo yaqaano Jeex-Jeexa oo ah dhul Hawda isla markaasne leh Buuro ey adag tahay in si dhaqsi looga gudbo. Dagaalka ka socday Jeex-Jeexa ayaa soo bilawday shan maalmood ka hor waxaane qasab noqotay in dagaalka ey qeyb ka noqdaan saaxibadda caaamka ee taageera dawladda Federaalka Soomaaliya. sida ey sheegeen goobjoogayaal ku sugan degaanka ey difaacanayaan kooxda Alshabaab ee Caad dagaalkii dhacay maanta oo Talaada ah inuu ka duwanaay kuwii horay u dhacay waayo kooxda Alshabaab ayaa waxaa hawada ka weeraray diyaaradaha dagaaalka ee saaxibadda caalamka in ka badan todobo jeer waxa eyna taasi sababtay in kooxda Alshabaab ey ku sii jiri kari waayaan godadkii iyo difaacyadii ey ka qoteen Jeex-Jeexa waxayne dagaal Foolka Fool ah la galeen CXDS,ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga degaanka,ugu dambayntiine waxaa suuragal noqtay in hawdkii laga saaro kooxda Alshabaab loona gudbo degaanada Caad iyo Jawlo oo ah labada goobood ey kooxda Alshabaab kaga sugan tahay Koonfurta Mudug. Inta uu socday dagaalka Jeex-Jeexa ayaa la soo weriyey in la dilay Horjooge Ajnabi ah magaciisana lagu sheegay Abu Niham kana soo jeedo dalka Dhajakistan,sidoo kale dagaalka Jeex-Jeexa ayaa waxaa lagu dhaawacay ilaa 13-Horjooge oo Ajaanib kana soo kala jeedo dalalka Usbakistan,Bosniya iyo Dhajakistan dhamman ragaan dhaawaca ah ayaa la soo sheegayaa in la geeyey degaanka Jawlo si halkaasi loogu baxnaaniyo in kastoo kooxda Alshabaab eysan hadda haysan wax daawo ah oo ey ku dabiibaan dhawacyada Ajaanibta ah. Inta badan Ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda Alshabaab ayaa ah kuwa soo farsameeyo waxyaabaha Qarxa iyo qaabka loo gelaayo dagaaladda fool ka foolka ah. Taliya ciidamadda Dhulka ee XDS Gen.Dayax ayaa warbaaihta u xaqiijiyey in kooxda Alshabaab looga dilay 80-qofood oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali dagaalkii mudada qaatay ee ka dhacay Jeex-Jeexa.

ISHA/SUUQ BACAAD MEDIA.

MUQDISHO-SOMALIA.

Previous
Previous

ISMARI WAA KA TAAGAN DOORASHADA PUNTLAND.

Next
Next

MUXUU YAHAY XALKA DOORASHADA PUNTLAND?