ISLAM NACAYBKA KA JIRO YURUB OO KORDHAY.
ISLAAM NACAYBKA YURUB.
(FRANCE)-Maalmo ka hor dalka Sweden caasimadiisa Stockholm gaar ahaan safaaradda Turkiga ku leeyahay dalka Sweden horteeda waxaa lagu Gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah waxaane gubay nin hogaamiye u ah xisbiga midigta fog ee dalka sweden asal ahaane ka soo jeedo dalka Denmark,hadaba Islaam nacaybka ka jiro gudaha Qaaradda Yurub ayaa ah mid sare u kacay taaso lala xiriirinaayo Wadaninimada ka jirto dalalka Yurub marka loo fiiriyo warbixin ey soo saareen kooxda ka soo horjeedo Islaam Nacaybka oo fadhigoodu yahay dalka Biljam. Koox ururiso dhacdooyinka Islaam Nacaybka una dhiganta kooxda Islaam Nacaybka(CCIE) warbixin ey soo saareen shalay oo Arbaca ahayd ayey ku sheegeen”Ineey kor u kacday Islaam Nacaybka iyo siyaasadda taageertaba sannadkii 2022-kii”.
ISHA WARKA ANADOLU.