IRAAN OO XABSIGA DHIGTAY LABA NIN OO REER YURUB AH.

(TEHRAN-IRAN)-Dalka Iran ayaa xiray laba ruux oo u dhalatay dalalka reer Yurub kuwaaso lagu eedeeyey”Hurinta nidaam darro iyo jahwareerinta bulshada”iyo ayagoo aan sheegin/qariyey dalalka eey u dhasheen. War uu soo saaray wasiirka sirdoonka dalka Iran maanta oo Arbaca ah(11/5/22)-ka ayuu ku sheegay in dadkaan xiran loo gudbin doono xabsiga ayagoo ku eedeysan ineey yihiin kuwa shirqool wadayaal ah rabayne ineey dalka Iran ka sameeyaan dhaqdhaqaaq abuuri kara deganaansho la’aan gudaha dalka Iran. Labada ruux ee la qabtay oo rag ah una dhashay wadamo reer Yurub ah balse aan la sheegin kuwa ey yihiin ayaa ah khubaro si fiican u taqaano abaabulka mudaaharaadyadda iyo sida deganaansho la’aanta looga abuuro dalal shisheye iyo ineey horay u soo tababareen kuwa uga adeega gudaha dalka Iran iyo dalal kale oo kala gedisan muddo sannada ah ayagoo aan la ogaan balse hadda u gacangalay sirdoona dalka Iran. Dhinaca kale,waxaa suuragal ah in dalka Iran uu doonaayo in loo sii daayo rag ka tirsan sirdoonkiisa kuna xiran wadamadda Yurub kuwaso qaar ka mida uu ku dhacay xukun adag uu ka mid yahay xabsi daa’in.

XIGASHO ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

SHIR KA DHACAY MAROOKO OO LOOGA HADLAY…

Next
Next

GEN.GARABEY OO QARAX KA BADBAADAY.