IRAAN OO DIL KU XUKUNTAY SARKAAL U BASAASAYEY M16.

ALIREZ AKBARI.

(TEHRAN)-Dalka Iraan ayaa dil toogasha ah waxa uu ku xukumay sarkaal sare oo horay xilal uga soo qabtay Wasaaradda Gaashaandhiga Iraan,sarkaalkan ayaa lagu edeeyey inuu basaas u ahaay hayadda sirdoonka dalka Ingiriiska ee M16,sidaas waxaa maanta oo Arbaca ah lagu daabacay Wargayska xiriirka la leh garsoorka dalka Iraan ee la yiraahdo MIZAN-NEWS. Calireza Akbari ayaa ahaay ku xigeenkii hore ee Wasiirka Difaac dalka Iraan waxa uuna si aad ah ugu dhawaay sirdoonka dalka Ingiriiska ee M16,Calirez ayaa ahaay nin aad muhiim ugu ah hayadda M16 sida laga soo xigtay Mizan-News,Akbari waxa uu ururin jiray macluumaadka ugu muhiimsan ee dalka iraan waxa uuna siin jiray hayadda sirdoonka dalka Ingiriiska ee M16.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

QARAX MIINO EY KU DHINTEEN SEDDEX…

Next
Next

QARAXII LABAAD OO KA DHACAY AFGANISTAAN-2023.