QARAX LULAY MAANTA GAROONKA DIYAARADAHA CADAN.

gettyimages-1230356013_wide-f128d5fc1e0e7fdb5c38062644f6b693a3b5f38a-s800-c85.jpg

Dalka yaman ayaa waxa eey ka jirtaa ismaan dhaaf siyaasdeed una dhexeeyo dhinacyo badan tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Yaman AUN- Cali Cabdalla Saalax,waxaane dhacday in kooxda la magac baxday Ansaarulaahi amaba loo yaqaano Xuutiyiinta eey gacanta ku dhigeen dhulkii la dhihi jiray Yamanta waqooyi ka hor inta eeysan israacin labada yaman 22/5/1990-kii lana bexeen magaca Jamhuuriyadda Yaman caasimadne eey u tahay magaaladda Sanca halka magaaladda Cadan laga dhigay xarunta ganacsiga Yaman hadana ah caasimadda ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Yaman,isla magaaladaas Cadan ayaa waxaa ka jiro koox gacan saara la leh dalka Imaaraatka rabtane ineey ka go’odo yaman inteeda kale,wada hadalsiinqaadatay muddo dheer ayaa sacuudiga waxa uu ku guulaystay in la dhiso xukuumad eey ku midaysan yihiin dhammaan dhinacyadda isku haayo arrimaha Yaman marka laga reebo Xuutiyiinta oo iyaga gacan saar la leh dalka iraan cadwne u arka xukuumadda lagu soo dhisay Riyaad ee isku dhafka. Hadaba maanta oo arbaca ah ayaa waxaa garoonka Cadan ka soo degaayey xukuumaddi isku dhafka ahayd ee uu hogaaminaayo Rw-Maciin C/maalik waxaane garoonka ka dhacay qarax u muuqday inuu ka soo hormaray waqtigii loogu talagalay waayo golaha wasiiradda iyo masuuliyiin kale ayaa ka soo degaayey diyaaradda Al-Yamaniya tasoo ka keentay dalka Sacuudiga waqtiga uu dhacay qaraxa waxa uuna ka dhacay qeybta eey fadhiistaan dadka yimaado waxaane la sheegay in qaraxas eey ku dhinteen dad gaaraayo 22-qofood eeyna ku dhaawacmeen 50-qofood.XIGASHO W/POST.

HALKAAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

NINKII ISKU QARXIYEY NASHVILLE SAAXIBTII OO…

Next
Next

CIIDAMADDA KUMAANDOOSKA DANAB OO KA CABSI QABA…