ILHAN CUMAR OO DIB LOO DOORTAY.
(SAWIRKA)-ILHAN CUMAR.
(WASHINGTON)-Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanad ka tirsan Aqalka Congress-ka ee laga soo doorto Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ku guuleysatay iney mar kale ka mid noqoto Aqalka Congress-ka Maraykanka,iyadoo ku guuleysatay Kursiga Xisbiga Dimuqaraadiga ee taageersan Isra’iil,waxayna xoojisay doorkeeda ah iney tahay cod horumar leh oo caan ka ah Baarlamaanka Maraykanka. lhan Cumar ayaa ku andacootay iney mar seddexaad ey ku metesho degmada 5-aad oo ka kooban magaaladda Minneapolis iyo nawaaxigeeda iyadoo heshay 76.4-boqolkiiba(76.4%) codadkii la dhiibtay halka musharaxa Jamhuuriga ee Caaliya AL-Caqidi ey heshay 23.6-boqolkiiba(23.6%) sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Associated Press. “Caawa,degmada 5-aad ee Minnesota ayaa dalka tustay waxa aan aaminsanahay”ayey Ilhan Cumar ku tiri hadal ey soo saartay. ‘Aad ayaan ugu mahad celinayaa in dadka i soo doortay ey kalsoonida i siiyeen oo ey ii codeeyeen iney dib iigu celiyaan Congress-ka mar afaraad”.
ISHA-NA.