HAYADDA NISA OO GACANTA KU SOO DHIGTAY…

(SAWIRKA)-BASAASIIN ALSHABAAB OO LA QABTAY.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud 15/5/2022-kii, waxa uu bilaabay dagaal ka dhan ah kooxda Alshabaab kuwaaso si xoogan uga hawlgeli jiray caasimadda Muqdisho iyo degaanadda ku hareereysan,waxa eyna kooxda gaartay iney balaariso Canshuur qaadisteeda eyna gaarsiiso heer gudaha Dekeda Muqdisho si aan qarsoodi ahayn ey uga qaado Canshuurta Ganacsatada Gobolka Banaadir,kooxda Alshabaab ayaa si sahlan waxa ey isaga hor leexin jirtay qofkii ey u aragto inuu yahay cadawgeeda, dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimadda Muqdisho ma eysan lahayn kala joogsi,waxaane dhinac socday weeraro toos ah oo lagu qaado Huteelada iyo Goobaha Ganacsi ee iska diida iney bixiyaan lacagta baada ah ey qaado kooxda Alshabaab,dawladdii waqtigaas jirtay ayaan ahayn mid muhimad gaar ah siisa hawlaha Alshabaab ka wadaan caasimada Muqdisho wax eyna gaartay in loogu yeero Alshabaab. Hadaba Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ah cadawga 1-aad Alshabaab leeyahay ayaa kordhisay Sirdoonkeed ku aadan la dagaalanka Alshabaab ee ku dhex milan Hayadaha DFS,waxaane suuragashay in Ciidanka Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA iney gacanta ku soo dhigaan shabakad ka kooban laba xubnood kuwaas kooxda Alshabaab u qaabilsanaay qeybta Sahanka. Sirdoonka oo haayey xogta labadaan nin isla markaasne in mudda ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay in la soo qabto iyagoo ku jira shaqadii ey kooxda Alshabaab u hayeen ee ahayd sahminta goobo ey rabeen in kooxda Alshabaab ey ka gaysato dhibaateyn shacab. Labada nin ee la qabtay ayaa kala ah Zakariye oo uu dhalay Siciid C/laahi Sulsul oo kooxda Alshabaab u qaabilsan qeybta sahanka goobaha kooxda ey damacsan tahay iney weerar lagu hoobto ka geysato kana tirsan G/Banaadir iyo C/laahi Axmed Xasan oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed kaaso darajadiisa ciidan ey ahayd laba Xiddigle, sarkaalkan ayaa sahankiisu ahaay mid u gaar ah goobaha ey ku sugan yihiin ciidamadda DFS, sarkaalkan ayaa qiyaanay dawladiisa iyo shacabkiisa. Labada nin ee la soo qabtay ayaa si buuxda u qirtay hawsha ey Alshabaab u hayeen ee ah Basaasnimo iyo hawlgalo kale ey ka fuliyeen gudaha caasimadda Muqdisho.

ISHA-SNTV,

Previous
Previous

GOLAHA WASIIRADDA EE XFS OO MAANTA YEESHAY KULAN…

Next
Next

ILHAN CUMAR OO DIB LOO DOORTAY.