TALIYAHA NISA OO LA SHEEGAY INUU YAHAY ALQAACIDDA.
Wax badan ayey ka hadleen warbaahinta iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed in hayadda NISA iyo ururka alshabaab noqdeen kuwa isku milmay lana kala aqoonin,isku milmidaas ayaa waxaa loo sababeeyey inuu iska leeyahay ninka hadda NISA ka ah agaasimaha lana yiraahdo Fahad Yaasiin,ninkaan ayaa horay waxa uu ahaay wariye u shaqeeya tv-ga ku hadla afka carabiga ee la yiraahdo Aljazeera saldhigiisuna yahay Dooxa caasimadda dalka Qadar. Wariye Fahad ayaa waxa uu waraysiyo fara badan ka soo qaaday hogaamiyeyaasha kooxda alshabaab ee gacan saaraka la leh ururka Alqaacidda waqtigii uu ku sugnaay bariga afrika sida Sheekha mayalka adag una xiran dawladda soomaaliyeed ee la yiraahdo Sheekh Xasan Daahir Aweys,mana ha mid qarsoodi ah oo cid walba oo soomaali ah waa eey ogtahay in wariye Fahad yahay nimeey ku adeegato dawladda Qadar kuna bixiso malaayiin doolar si uu ugu fuliyo danaheeda gaarka ha eey ka leedahay soomaaliya hadeey noqon lahayd in dalka soomaaliya madaxweyne looga dhigo hadba ninkeey raali ka tahay dawladda Qadar sida madaxweynaha hadda taladda haayo Maxamed C/laahi Farmaajo oo kursiga ku yimid lacag eey bixisay dawladda Qadar siisayne kuwa uu codkooda beeca u yahay kana tirsan baarlamaanka soomaliyeed. Micheal Rubin oo wax ku qora wargayska Washington Examinar horayne u soo noqday sarkaal ka tirsan wasaarada difaaca Maraykanka ee Bentagonka ayaa shalay oo ahayd Isniin kuna beegneed lix iyo tobanka bisha noofembar/2020-ka waxa uu maqaal ku qoray wargayska Washington Examinar waxa uuna maqaalkiisa cinwaan uga dhigay TALIYAHA SIRDOONKA SOOMAALIYA WAA MID LA SHAQEYSTO KOOXDA KU XIRAN ALQAACIDDA(ALASHABAAB),WAA MAXAY SABABTA AAN U MAALGELINAYNO?,qoraalka ayaa waxa uu si cad u kala dhigaa raadka dawladda Qadar ku leedahay siyaasadda soomaaliya iyo cidda eey u marto,xiriirka alshabaab iyo NISA iyo waxyaaba kale oo aan horay looga warhayn kuna saabsan wariye Fahad.