SUURAGAL MA TAHAY IN ABU MAXAMED ALMASRI OO AH NINKA LABAAD EE URURKA ALQAACIDDA IN LAGU DILO DHULKA IIRAAN?
Ilaa iyo maanta ma cadda cidda fulisay dilkii Abu Maxamed Al masri kaasoo ahaay ninka labaad ee ururka alqaacidda laguna dilay wadnaha magaaladda Tehraan oo ah caasimadda iiraan taariikhdu markeey ahayd todobaddii bishii agoosto ee la soo dhaafay ee sannadkaan 2020-ka.
Dilka ayaa ah mid lagu beegay xuskii weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanku ku leeyahay Nayrobi ee dalka Kenya iyo Daara salaam ee dalka Tanzaniya sannadkii 1998-dii,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo 224-qofood waxaane ku dhaawacmay dad gaaraayo 4000-qofood. Xukuumadda washington ayaa waxa eey abu Maxamed Al Masri ku tuhmaysaa inuu door fiican ku lahaay weerarkaas lagu qaaday labada safaaradood ee Maraykanka. Weerarka lagu dilay Abu Maxamed Al Masri ayaa waxaa fuliyey sirdoon israa’iil ah sida uu qoray wargayska New York Times cadadkiisii soo baxay 13/11/2020-ka,wargayska ayaa intaas raaciyey in geberta uu dhalay Abu Maxamed Al Masri ee isaga lala dilay eey ahayd xaaska mid ka mida caruurtii uu dhalay hogaamiyihii alqaacidda Usama Bin laadin sida eey sheegeen sirdoonka maraykanka balse waxaa hadalkaas beeniyey wax kama jiraane ka soo qaaday dalka Iraan oo ah halka eey wax ka dheceen.