HUBKII LAGU DILAY RW-ABE OO LA OGAADAY.

HUBKII LAGU TOOGTAY RW-ABE.

(TOKYO)-Dalka Japan waxaa maalintii Jimcaha lagu toogtay Reysal Wasaarihii hore Shinzo Abe isagoo ka hadlaayey goob eey isugu yimaadeen dad fara badan looguna ololeynaayey doorshada,RW-Abe ayaa waxaa toogtay nin kaga yimid dhinaca dambe waxa uuna RW-Abe la dhacay laba xabadooda kuwaaso uu markii dambe dhaawacooda uu u geriyooday RW-Abe. Dalka Japan ayaa ah dal si adag u xakameeyey haysashada hubka gaar ahaan dadweynaha dalkaasi loomaba ogola ineey haystaan wax hub ah,arrintaan dhacday ayaa dalka Japan waxa eey ka dhalisay dood culus kuna saabsan sida uu qofka dilay RW-Abe ku helay hubka,ninka dilay RW-Abe ayaa horay uga tirsanaay ciidamada Badda ee dalkaaso Japan gaar ahaan kuwood sida gaar ah loo tababaray is difaaicida.Booliska ayaa baaritaan uu sameeyey ku soo ogaaday in ninka toogatya RW-Abe isticmaalay hub uu isga soo sameeystay ee uusan ahayn mid warshad soo sameeysay,sheekadaan ayaa waxaa maanta soo daabacday wakaaladda wararka ee Assciated Prees.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

XASUUQII KA DHACAY BOSNIA.

Next
Next

15-QOFOOD OO LAGU DILAY MAQAAQYAD…