HUB IYO RASAAS LAGU QABTAY DDS.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA ITOOBIYA.
(JIGJIGA)-Wararka imaanayo Dawlad Degaanka Soomaliyeed(DDS) ee dalka Itoobiya ayaa sheegaayo in halkaasi lagu qabtay hub, rasaas fara badan iyo waxyaabaha laga sameeyo waxyaabaha Qarxa oo la doonaayey in si dhuumaaleysi ah lagu geliyo gudaha degaanka Soomalida,hubkaan ayaa la sheegay in laga soo qaaday G/gedo ee dalka Soomaaliya waxaan la qabtay markii uu ka soo gudbay xuduuda labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii tegay ayey ahayd markii ey kooxda Alshabaab isku dayday iney weerar ka gaysato gudaha Dawlad Degaanka Soomaalida itoobiya waane la ogaay wixii jab ahaay ee ku soo gaaray kooxda Alshabaab,hadaba ma la dhihi karaa kooxda Alshabaab ayaa ku jirto rafasho midii ugu dambaysay?
ISHA/HIIRAAN.