HORJOOGE ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY MUDUG.

(SAWIRKA)-MACAAWIISLEYDA MUDUG.

(MUDUG)-Wararka ka imanayo Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in ciidamadda Kumaandooska ee Gorgor gaar ahaan Guutada 17-aad ee Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo ciidamadda degaanka ee Mcaawiisleyda ey hawlgal qorsheysan ku dileen horjoogihii kooxda Alshabaab u qaabilsanaay qeybta Zakawaadka ee Gobolka Mudug. Hawlgalka lagu dilay horjoogahaan ayaa waxa uu ka dhacay degaan lagu magacaabo Xarfuulo kana mid ah degaanadda hoos taga degmada Xaradheere. Sida muuqata kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta maamulka Galmudug ayaa waxaa soo fuulay culays aysan qaadi karin kuna qasbay iney isa soo dhiibaan amaba kala firxadaan,maalmo ka hor ayey ahayd markii laba oday oo kooxda u qaabilsanaeed soo ururinta Zakawaadka degmada Ceeldheer iyo degaanada hoos taga ey isu soo dhiibeen ciidamadda dawladda lana geeyey caasimadda Muqdisho,odayaasha ayaa sheegay iney ku noolaan kari waayeen goobaha Alshabaab xukunto isagana soo tageen.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MAXAA DENI LA GUDBOON KA HOR 8/1/24-KA?

Next
Next

QARAX XALAY KA DHACAY BLACK SEA.