HORJOGAYAAL ALSHABAAB AH OO XAYIRAAD…

KOOXDA ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka kooxda Alshabaab looga ciribtiraayo dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaayey warar fara badan kuna saabsan xaaladda adag ee soo wajahday Horgaamiyeyaasha kooxda Alshabaab ka dib markii kooxda uu soo gaaray jab aad u weyn gaar ahaan dagaaladii lagula galay Maamuladda H/shabeele iyo G/mudug,dagaaladaas ayaa kooxda Alshabaab looga xureeyey dhul aad u baaxad weyn waxaane kooxda Alshabaab looga dilay dagaaladaas dagaalyahano fara badan iyo hogaamiyeyaashood,waxaane kooxda Alshabaab looga qabsaday saanad iyo baabuur dagaal. Hadaba, hadda ayaa waxaa soo baxay warar sheegaayo in kooxda Alshabaab Horjoogeyaal ka mida lagu so rogay xayiraad dhinaca dhaqdhaqaaqa ah,xayiraadan ayaa waxaa soo saaray Hogaamiye Mahad Karateey oo colaad aad u xun kala dhexeysay Hogaamiyaha kooxda Alshabaab Axmed Diiriye oo hadda bukaan jiif ah,Horjoogayaasha la saaray xayiraada ayaa ah kuwa aad ugu dhaw Axmed Diiriye iyo Axmed Godanihii la dilay,si hadaba aan u ogaano kuwa ey yihiin Horjoogayaasha la saaray xayiraad dhaqdhaqaaq kana wada tirsan kooxda Alshabaab kuna kala sugan degaano kala gedisan,waane kuwaan magacyadooda,shaqadooda iyo halka ey ka soo jeedaan iyo goobta ey hadda ku xayiran yihiin:

(1)-HORJOOGE XASAN AFGOOYE,waxa uu ka soo jeedaa xaafadda Damalay ee degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose,Horjooge XASAN AFGOOYE ayey shaqadiisu ahayd Horjoogaha Horjoogayaasha dhaqaalaha baada ah ey kooxda Alshabaab sida xooga ah uga soo qaado ummadda Soomaaliyeed kuwa ku hoos noolay goobihii ey Alshabaab ka talinaysay iyo kuwa ey kooxda Alshabaab handadaada wax uga qaadan. XASAN AFGOOYE ayaa hadda ku go’odoonsan degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe,Horjooge XASAN ayaan ka bixi karin degmada Jilib Mana loo ogolo inuu isticmaalo Telefoonkiisa mana aadi karo Xaaskiisa ku sugan degaanka Damalay. XASAN AFGOOYE ayaa la sheegay inuu si aad ah ugu dhawaay Hogaamiyihii Mayalka adkaay Axmed Godane(Abu Zubayr) ey dileen diyaaradaha Drones-ka Maraykanka 2/9/2014-kii koonfurta Soomaliya,XASAN ayaa waqtigii Godane waxa uu qaabilsanaay xagga Cuntada iyo Biilasha.

(2)-HORJOOGE FARXAAN KAAHIYE,waxa uu ka soo jeedaa Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud,waxa uuna horay u soo noqday Horjoogihii ugu sareeyey ey kooxda Alshabaab u taqaano Jabhad. FARXAAN ayaa la rumaysan yahay inuu ka mid ahaay Horjoogayaasha kooxda Alshabaab ee sida weyn daacada ugu ahaay kooxda Alshabaab inteey jirtay,waxa uuna ka qeyb qaatay weeraro lagu laayey dad Soomaali ah aan waxba galabsan,FARXAAN ayaa hadda ku go’odoonsan laguna ilaalinaayaa degmada JILIB.

(3)-HORJOOGE NUUR DHEERE,waxa uu ka soo jeedaa degmada Bacaad-Weyn ee gobolka Mudug,waxa uuna hadda ku go’odoonsan yahay degaanka Kuunya-Baraw ee gobolka Sh/Hoose. NUUR DHEERE ayaa sababsaday jabkii kooxda Alshabaab ka soo gaaray dagaalkii gobolada dhexe.

(4)-HORJOOGE ISMAACIIL COSOBLE,waxa uu ka soo jeedaa degmada Cdaaado ee gobolka Galgaduud,waxa uu ISMAACIIL horay u soo noqday Horjoogaha ugu khatarta badan ee kooxda Alshabaab isla markaasne ey aad u sareyso dhagartiisa,waxa uuna qeyb ka ahaay dilal qorsheysan iyo weeraro ey kooxda Alshabaab ka fulisay caasimadda Muqdisho,Horjooge ISMAACIIL ayaa hadda ku go’odoonsan gobolka Jubada dhexe degmo ka mida balse aan la sheegin tan ey tahay.

(5)-HORJOOGE MACALLIN JINAAW,waxa uu ka soo jeedaa degaanka Xawaad-Barbaar ee gobolka Baay,MACALLIN JINAAW ayaa ahaay Horjoogaha kooxda Alshabaab ee gobolada Baay iyo Bakool,waxa uuna MACALLIN JINAAW Hogaaminaayey weeraro fara badan oo laga fuliyey gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,MACALLIN JINAAW ayaa hadda ku go’odoonsan gobolka Jubada dhexe mana la sheegin degmada uu MACALLIN-KA ku go’odoonsan yahay.

(6)-HORJOOGE MUUSE MUHAAJIR,waa Horjooge Ajnabi ah kana soo jeedo magaala Xeebeedka Mombaasa ee dalka Kenya,Horjoogahaan ayaa hadda ku go’odoonsan xarunta kooxda Alshabaab ku leedahay gobolka Jubada Hoose mana dhaafi karo gudaha xerda ey maamusho kooxda Alshabaab,mana loo ogolo Horjoogahaan inuu isticmaalo telefoonkiisa gaarka ah,waxaane ilaalo ka ah dhaqdhaqaaqiisa askar gaar ah uu soo diray Mahad Karateey.

Dhammaan Horjoogayaashaan ayaa markii hore ahaay kuwo saameyn ku dhex leh kooxda Alshabaab qeybna ka ahaay dhagaro,shirqoolo lagu hagar daameynayo ummadda Soomaaliyeed,hadda ayey Hogaamiyeyaashaan u bilaabatay Maalmahoodii Madooobaa mar haddii eysan socdaali karin,kulmi karin,tegi karin magaalooyinka macnaha eysan ka bixi karin xerooyinka kooxda Alshabaab maamusho,mana isticmaali karaan telefoonadooda mana loo ogola ineey la kulmaan xaasaskooda faraha badan.

LA SOCO QEYBTA KALE EE SOO SOCOTO.

ISHA WARKA. SBMEDIA.

Previous
Previous

TAHRIIBAYAAL KU DHINTAY XEEBAHA DALKA…

Next
Next

HAYADA U DOODA XUQUUQDA INSANKA OO…