HAYADA U DOODA XUQUUQDA INSANKA OO…
LAETITIA BADER.
(NAIROBI)-Haydaha u dooda Xuquuqda Insaanka ee laga leeyahay dalalka reer Galbeed ayaa ah kuwa intooda badan u adeega siyaasdaha dawladahaas maalgashada ee bixiya dhaqaalaha ey ku shaqeyaan,Human Rights Watch(HRW) waxa ey ka mid tahay hayadaha ugu caansan kana hadla arrimaha Xuquuqda Aadanaha,Somaliya shantii sano ee la soo dhaafay waxa ka dhacay gabood falo xanuun badan ayadoo la isticmaalayo awooda dawlada,tusaale ahaan waxaa la weeraray guriga siyaasi C/raxmaan C/shakuur waxaane lagu dilay lix qofood wxaane lagu aasay kabahooda lama yaqaano ilaa hadda halka ey ku aasan yihiin,arrintaan la iskama warsan HRW-ne lama arag qoraalo ey ka sameysay laakinse hadda oo dalka Soomaaliya dagaal kula jiro kooxda Alshabaab lana ansixiyey sharciga hayada NISA maxaa keenay in laga hadlo lana codsado inuusan saxiixin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Fadlan ila akhri qoraalka ey Hayada Human Rights Watch ka qortay hayada NISA oo hadda dagaal adag kula jirto kooxda Khawaarijta.
ISHA WARKA SBM.